allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Madaxweyne Farmaajo oo siweyn loogu soo dhaweeyey Guraceel

Wafdigani uu hoggaaminayo madaxweynaha  Soomaaliya  Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta gaaray magaalada Guraceel ee gobolka Galgaduud,halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Waxaa ku soo dhaweeyey halkaasi mas’uuliyiinta maamulka,waxgarad iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada,iyadoo amaanka magaaladaasi siweyn loo adkeeyey.

Madaxweynaah Soomaaliya waxaa ku wehliya safarkiisa madaxweynaah Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf,madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Axmed Shaakir xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaa la filayaa in halkaasi uu kula kulmo madaxda Galmudug,iyo qeybaha bulshada,waxaana madaxweynaha uu ka dhageysandoonaa bulshada warbixino ku aadan xaaladohooda nololeed iyo baahiyaha ay qabaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa weli ku guda jira booqasho uu ku marayo deegaanada Galmudug,isagoo horey u soo maray Puntland.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jan 19 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented