allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

FARMAAJO oo fariin adag u diray Duqa Muqdisho, Taabid Cabdi inta wareegto xilka looga qaadayo soo bixin waa inuu is casilaa, (Taabid oo laga yaabo in musuq maasuq loo xiro)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa uga digay dadka iibsanaya dhulka danta guud iyo hantida qaranka inaan la isaga hari doonin isagoo si gaar ah u soo qaatay qayli dhaanta maalmihii ugu dambeeyay ka soo yeerayay dadka magaalada muqdisho oo ka cabanayay maamulka Gobolka Banaadir inuu ku taq falayo dhulal fara badan oo danta guud ahaa, halka qaar ka mid ah dhulalkaas laga iibsaday shirkadaha ganacsiga magaalada muqdisho sidoo kalena qaar ka mid ah dhulalkaas lagu bixiyay dano siyaasadeed.

Fariin qoraaleed uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo oo ku socota Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa muujinaysa in xiriirkii ka dhaxeeyay Farmaajo iyo Taabid Cabdi Maxamed uu gabi ahaanba burburay, iyadoo fariinta madaxweynaha hordhac u tahay xil ka qaadis lagu sameeyo Guddoomiye Taabid.

” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa uu ka walacsan yahay jiritaanka wararka sheegaya ku xadgudubka dhulalka danta guud ee magaalada muqdisho” ayaa lagu yiri hadal kooban oo Madaxweynaha soo dhigay bartiisa Twinterka.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu soo qaatay qodobka 43 aad ee Dastuurka qaranka oo xaaran ka dhigaya bixinta dhulka, kheyraadka iyo nolosha ilaa iyo inta habraacyada sharciga waafaqsan laga soo saarayo, dhulka dowladda lama bixin karo lamana hibeyn karo.

Madaxweynaha ayaa yiri “Sida uu tilmaamayo Qodobka 43aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhulku waa khayraadka koowaad iyo saldhigga nolosha dadka. Ilaa inta laga soo saarayo habraacyada sharci ee waafaqsan Qodobka 43aad ee Dastuurka, dhulka dowladda lama hibeyn karo, bixin karo, lamana wareejin karo.”

“Iyada oo la ilaalinayo hantida qaranka ee dhul, cir iyo bad waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in wixii dhul ah ee la iibiyay ama la hibeeyay ama la kireeyay keddib 8-dii Febraayo, 2017 uusan haysan ogolaansho sharci ah. Haddii uu jiro muwaadiniin iibsaday ama kireystay dhul danta guud, waxaan u sheegayaa in iibsigaas uu yahay mid sharci darro ah.”

“Markii la I doortay, waxaan ballan qaaday inaan ilaalinayo ammaanada la ii dhiibay, dhulka dowladdana wuxuu kamid yahay ammaanadaas. Waxaan u xaqiijinayaa shacabka Soomaaliyeed in guddi heer qaran ah aan u saari doono arrimaha la xiriira dhulka si baaritaan dhab ah loogu sameeyo, loona hubiyo inaan dhul dan guud loo adeegsan dan shakhsiyadeed.”

Madaxweynuhu wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha ay khuseyso arrintan inaan la bixin karin dhul dowladeed oo aan kusoo bixin wareegto Madaxweyne, lana soo marin habraac waafaqsan shuruucda u yaalla dalka.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku howlanaa iibinta dhulal fara badan isagoo ku kacayay musuq maasuq aad u ballaaran.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa soo gaaray cabashooyin kala duwan taasi ayaana keentay in Madaxweynuhu soo saaro qoraalkan.

Dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda soomaaliya waxay fariinta madaxweynaha u arkaan inuu soo dhamaaday maalmihii Taabid Cabdi xafiiska joogi lahaa, waxayna kula talinayaan Guddoomiye Taabid inta aysan soo bixin wareegtadii xilka looga qaadi lahaa inuu is casilo haddii kale maalmaha nagu soo aadan waxaa uu filan karaa waxay tahay wareegto xilka looga qaado.

Dhinaca kale Shirkadaha, shaqsiyaadka iyo ganacsatada soomaaliyed ee si sharci daro ah looga iibiyay dhulalka danta guud waxaa lagula talin lahaa inay banaanka soo dhigaan cadeymihii Maamulka Banaadir kaga iibsadeen dhulalkaas si Guddoomiyaha imaan doona iyo dowladda xal uga gaari lahaayan maadama hanti ka maqan tahay dhulkiina xalaal u ahayn.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jan 19 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented