allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

DEKEDDA BARAAWE oo dhawaan loo gacan geli doona imaaraadka Carabta

Maamulka Koonfur Gabled ayaa qaaday tallaabo u muuqata inay gogol xaar u tahay qorshaha Imaaraadka Carabta uu kula wareegayo dekadda magaalada Baraawe.

Qorshahaan oo ah mid si rasmi ah loo shaacin ayaa maamulka Koonfur Galbeed uu si rasmi ah u bilaabay dhismaha dekadda Baraawe iyo Garoonka diyaaraddaha, waxaana arbacadii booqday dekadda wafdi ka socday maamulkaasi oo uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi C/qaadir Sharif Sheekhunaa iyo wasiirka amniga gudaha.

Xubnahan ayaa qiimeyn iyo indha indheyn waxa ay ku sameeyeen hanaanka dhismaha dakadda Magaalada Baraawe, waxaana durba la arkaayay shalay, iyadoo ay bilaabatay dhismaha Airport-ka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed , ayaa sheegay inay ahmiyad wayn siinayaan sidii loo dhisi lahaa dakadda Magaalada Baraawe, si shacabka Koonfur Galbeed ay u helaan goob ay wax kala soo dagaan.

Dekaddaha Boosaaso iyo Boosaaso ayaa waxaa mudo 30 sano ah maamulada Somaliland iyo Puntland ay ku wareejiyeen Imaaraadka Carabta oo faragelin xooggan ku haayo arrimaha Somalia.

Baraawe waxay leedahay dekadd ku wanaagsan ganacsiga, hase ahaatee, tan iyo isticmaarkii lama isticmaalin, mana jirin maamul dib u dhisay isticmaarkii kadib.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jan 19 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented