allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Ahlu sunna iyo Galmudug oo midoobay, Daawo Sawirada

Waxaa maanta si rasmi loogu saxiixay magaalada Dhusamareeb heshiiska maamul goboleedka Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.

Munaasabadda lagu saxiixayay dhamystirka heshiiskan ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxwaynaha dowladda Fedaralka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada.

Heshiiskan ayaa qaybtiisii hore waxaa ay labada dhinac ku soo kala saxiixdeen magaala madaxda dalka Jamhuuriyada Jabuuti ee Jabuut .
Madaxwaynaha dowladda fedaraalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa labada dhinac kula dardaarmay in ay hormariyaan Galmudug islamarkana ay “cadowga hal meel uga soo wada jeedsadaan”.

Madaxwaynaha ayaa intaa ku daray in ay muhim tahay dhaqangalinta heshiiska iyo in laga shaqeeyo midnimada.

Madaxa cusub ee golaha wasiirada Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir, ayaa dhankiisa ku baaqay in “la is cafiyo islamarkana la isu calool fiyoobaado”.

Madaxda kale ee ka qaybgashay munaasabadda saxiixa heshiiska Galmudug iyo Ahlu sunnah ayaa waxa ka mid ah wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating.

Maxaa ka mid ah qodobbada heshiiska

Waxyaabaha lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in maamulka hadda jira ee Galmudug uu sidiisa sii ahaado, balse lagu daro xil cusub oo ah gudoomiyaha golaha wasiirada. Xilkaas waxaa qabanaya madaxa Ahlu Sunna, Sheekh Maxamed Shaakir.

Xilka ayaa ah mid ku cusub saaxadda siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan midda maamul goboleedyada. Awoodaha uu yeelanayo qofka qabanaya xilka cusub waxaa ka mid ah:

In marka la magacaabo golaha wasiirada iyo wasiirro dowlayaasha uu hor geeyo baarlamaanka maamulka
In uu guddoomiyo shirka golaha wasiirada Galmudug
In mar walba uu la tashado madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Balse marka ay timaado xil ka qaadista golaha wasiirada waxaa awood u leh madaxweynaha Galmudug isagoo la tashanaya madaxa golaha wasiirada oo ah xilka cusub ee la soo kordhiyay, sida ku xusan heshiiska ay wada saxiixdeen Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Sidoo kale waxaa heshiis laga gaaray arrimo ay ka mid yihiin isku daridda labada baarlamaan, “ayadoo la raacayo hannaanka awood qeybsiga beelaha” ku saleysan ee Soomaaliya.

Sidoo kale Ahlu Sunna waxaa loo ogolaaday in ay qaadato xilka gudoomiyaha maxkamadda sare ee Galmudug, “ayaga ayaana awood u leh in ay soo magacawdaan”, sida la xusay.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jan 18 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented