Shirkadda Isgaarsiinta Golis oo Xargaheeda korintada halis. Iyo khatar Ku ah magaalada Bossaso

0
1

Waxaa isa soo taraya xargaha korontada ee magaalada Bossaso meelo qaar Ku xidhiidhisay shirkada isgaarsiinta golis ay ka dhalato had iyo jeer khataro dab ka kaca, iyadoo loo sababeynayo in awoodooda dab aaney miisaneyn.

Waxa laba todobaad gudagood dhacay shilal badan oo ka dhashay dab ka kacay xargaha koronto ee shirkadda golis isku dulsaareyn meelo aan loogu telagelin in LA mariyo xargo soda dab koronto.

Dhawaan ayey aheyd marii khatar weyn laga dareemay iskuulka xaaji mire oo baalayaal xargo dab koronto wada Ku soo duldhaceen iskuulka xaaji mire oo boqolaal arday ah fasalada Ku xareysnayeen.

Tani waxay sababtay in waxbarashadii iskuulka ka socotay hakad Ku yimaado si looga badbaadiyo ardayda dab ka kaca xargaha korontada shirkadda golis, taasoo u muuqata in aanay waafaqsaneyn habka awooda dab dhaliyaasha xargaha korontada sida loo xakameeyo aanay Ku filneyn tayada aqoon iyo agabkii ilaalin lahaa khatarta ka dhalan karta filiqsanaanta xargaha koronto ee ay iska marisay golis meelaha halista iyo sixmada badan ee magaalada Bossaso.