allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Madaxweyne Farmaajo oo si weyn loo soo dhoweeyay iyo reer Gaalkacyo oo hadiyad ahaan uga dhigay, Daawo Sawirada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa galabta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxaa garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo mas’uuliyiin kale.

Soo dhoweynta ballaaran ee loogu sameeyay Madaxweyne Farmaajo magaalada Gaalkacyo ayaa la mid aheyd soo dhoweyntii loogu sameeyay Garowe, Qardho iyo Boosaaso, halkaasoo kumanaan dadweyne ay waddooyinka iyo fagarayaasha isugu soo baxeen.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa diyaarad ka soo qaaday magaalada Boosaaso, oo horay safar dhinaca dhulka ah ugu tageen.

Dadka reer Gaalkacyo ayaa Madaxweyne Farmaajo hadiyad uga dhigay Geel huwan astaanta Calanka Qaranka (Hashii Maandeeq), waxaana ay jawaab u aheyd hadiyadihii dhaqan ee lagu guddoonsiiyay Qardho iyo Boosaaso, kaasoo ka mid aheyd Faras.

Madaxweyne Farmaajo ayaa caawa ku hoyan doona dhanka Waqooyi ee Maamulka Galmudug, waxaana ay berri uga sii gudbi doonaan magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug, kadibna waxaa ay aadi doonaan Caabudwaaq iyo Dhuusa Mareeb.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamada ammaanka ay tan iyo shalay magaalada ka wadeen howl gallo lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jan 13 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented