allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Magaalooyinka Galmudug ee uu booqan doono Madaxweyne Farmaajo oo la shaaciyey

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay socdaalka la filayo inuu degaanada maamulkaasi ku tago madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo iminka socdaal ku maraya Puntland.

Magaalooyinka Galmudug ee uu booqan doono ayaa waxaa ka mida: Gaalkacyo, Cadaado iyo Dhuusamareeb, waxaana warar kale oo aan la xaqiijin sheegayaan inuu sidoo kale tegi doono degmada Caabudwaaq iyo Guriceel, inkastoo maamulka Galmudug aanay xaqiijin.

Diyaargarowga booqashada Madxweyne Farmaajo ee degaanada Galmudug ayaa laga dareemayaa magaalad Dhuusareeb, halkaasoo lagu wado in si rasmi ah loogu soo afjaro heshiiska maamullad Ahlu suna iyo Galmudug iyo midowga labada dhinac.

Safarka madaxweynaha ee Galmudug ayaa ka bilaalan doona magaalada Gaalkacyo oo uu haatan ku sugan yahay taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jan 10 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented