allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

ISBEDEL LAGU SAMEYN DOONA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR, Taabid muxuu u sheegay Imaamka iyo Ugaaska Mudullood,Yaa la damacsan yahay in lagu bedelo,Dowladda Dhexe maxay ka cabsanaysaa, Warbixin

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay damacsan tahay in is bedel dhinac maaamulka Gobolka Banaadir ku sameyso si ay wax uga bedesho culeysyada amni iyo Siyaasadeed ee bilooyinkii ugu dambeeyay ugu yimid qaar ka mid ah beelaha dega Gobolka Banaadir iyo Dowladda oo ka shakisay Maamulka hadda jira siyaasadaha uu damacsan yahay.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka shakiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi oo diyaarsaday qorshe halis gelin kara Dowladda oo haatan ka taliso keliya Magaalada Muqdisho.

Taabid Cabdi Duqa Muqdisho waxaa uu damacsan yahay inuu marka hore qabto shir looga tashanayo mustaqbalka Gobolka Banaadir kadibna Gole degaan uu sameeyo isla markaana Golahaas ay isaga naftiisa waa Taabid ay u doortan Madaxweynaha Gobolka Banaadir.

Haddii ay taasi dhacdana waxaa meesha ka baxaya wareegtadii Villa Soomaaliya ku magacabi jirtay Maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna maamulka la mid noqon karaa haddii la soo doorto Maamul Goboleedyada dalka ka jira kama amar qaadanayo Dowladda dhexe, taasina waxay luminaysa awoodii Dowladda Dhexe ku lahayd magaalada muqdisho.

Hadaba waxaa soo baxaya warar sheegaya in Maamulka hadda jira ee Taabid madaxda ka yahay la bedeli doona isla markaana la soo magacabi doono Maamul cusub.

Laakiin meesha caqabadaha ka taagan yihiin ayaa ah in marka hore labada Wasiir abgaal leeyihiin oo mid ka mid la siiyay Wacbuundhan abgaal loo wareejiyo beesha Waceysle sidaasna lagu keeno Guddoomiyaha Degmada Wadajir oo ah Sheekh Cumar Abdulle Qaanso oo haysta dhalashada wadanka Holland.

Shekh Cumar waxaa uu saaxiib la yahay Farmaajo, waxayna ka wada tirsan yihiin Xisbiga Tayo.

Waxaa jira warar sheegaya in maalintii shalay Taabid Cabdi Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho la kulmay Ugaaska iyo Imaamka Abgaal kuna wargeliyay xaaladaha taagan iyo qorshayaasha Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, sidoo kalena habeen 3 aad uu la kulmay qaar ka mid ah Xildhibaanada labada aqal ee abgaal.

Dhawaan ayay ahayd markii culeys iyo cadaadis ugu yimid Xukuumadda Soomaaliya uu Taabid ku joojiyay shir uu damacsanaa inuu qabto iyadoo aysan Xukuumadda iyo Villa Soomaaliya midna aan lagala tashan qabsoomida shirka.

Si kastaba ha noqote culesyada Siyaasadeed ee taagan iyo waxyaabaha soo kordhay ayaa hakad geliyay dhamaan howlihii Mashaariicdii ka socday Magaalada Muqdisho.

In kastoo Madaxweynaha soomaaliya safar ku maraya Puntland iyo Galmudug waxay u badan tahay in is bedelada Golaha Wasiirada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay dhacaan marka uu ku soo laabto magaalada muqdisho.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jan 10 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented