allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

JAWAARI oo laga dhaadhiciyay inuu hoos u dhigo qaylada Xildhibaanada Mucaaradka, Kheyre oo diyaar u ah wada xaajood iyo inuu qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada eriyo, Farmaajo oo wadno qabad ku noqdeen xubnaha Labada Gole ee Mucaaradsan

Sida aan kasoo xiganay mas’uuliyiin ka tirsan Villa Somalia waxaa socda qorsho lagu doonayo in lagu kala dhantaalo qorsho ay magaalada Muqdisho kawadaan Xildhibaanada Mucaaradka oo bilihii ugu dambeeyay qalqal geliyay Siyaasadda Madaxweyne Farmaajo, kuwaas oo inta badan ku cel celiya inuu Madaxweyne Farmaajo qalalaad Dastuuri ah galay sidaas darteed loo baahan yahay in lagu ciqaabo ku tumashada Sharciga dalka waa sida ay hadalka u dhigeen Xildhibaanadas.
Wararka ayaa sheegaya in qorshahaan oo soo idlaaday intiisa badan ay si wada jira u waday Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia.

Qorshahaan ayaa lagu doonayaa in lagu kala dhantaalo Xildhibaanada mucaaradka ee had iyo jeer qalqal gelinaya Siyaasadda Xukuumadda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo hadda ku sugan magaalada Garoowe ee maamulka Puntland iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Guddoomiye Jawaari ka dalbaday inuu ka shaqeeyo sida lagu qafiifin lahaa caqabadaha ay dowlada u maleegayaan Xildhibaanada mucaaradka.

Labada mas’uul waxa ay Guddoomiyaha ku wargaliyeen inay muhiim tahay in laga gudbo is hortaag lagu sameeyo howlaha dowlada sidaa aawgeed aysan suuragal aheyn in dalka loo horseedo dhibaato Siyaasadeed.

Ra’isul wasaare Kheyre waxba kama qabo in wada xaajood hoose lala galo xildhibaanada mucaaradka sidoo kale waxaa uu diyaar u yahay inuu kala diro qaar ka mid ah Wasiirada kuna soo biiriyo Golaha Wasiirada dad awood badan ku leh beelaha Soomaaliyed, sababta mowqifka noocaas ah u qaaten waxay ku sheegeen Lataliyaashiisa inuu doonayo in dal mideysan iyo siyaasad degan hoggaamiyo.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiye Jawaari ayaa si wada jira u rumeysan in laga gudbo Mooshino iyo waxyaabaha xiligaan caqabad ku noqonkara amniga dalka.

.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jan 8 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented