allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo si weyn loogu soo dhoweeyay Garowe (Sawiro)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay garoonka cusub ee diyaaradaha Garowe, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Garowe Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, xubno ka tirsan maamulka Puntland, waxaana Madaxweyne Farmaajo uu salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Puntland.

Madaxweynaha ayaa xarigga ka jari doona garoonka diyaaradaha Garowe oo si casri ah loo dhisay, waxaana diyaaradii siday ay noqotay tii u horeysay ee soo caga dhigata garoonka Garowe.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Garowe ayaa ah tii u horeysay uu ku tago Puntland, tan iyo markii sanadkii hore loo doortay xilka Madaxweynaha.

Boqolaal dadweyne oo ka kala yimid xaafadaha Garowe ayaa taagan waddooyinka, sidoo kale ardayda dugsiyada garowe ayaa qeyb ka ah soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo jawiga magaalada Garowe uu ka duwan yahay sidii maalmihii la soo dhaafay, waxaana ka muuqata diyaar garowga soo dhoweynta wafdiga Madaxweynaha.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jan 7 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented