allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

TAABID CABDI oo Culeys ugu yimid Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumadda Soomaaliya u baajiyay Shir isku ballaarin lahaa, Gorgortan Siyaasadeed oo xilkiisa ku weyn doono oo bilawday

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa guuldaradii siyaasadeed ugu horeeyay waxaa uu ka soo wajahay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Xukuumadda Soomaaliya kadib markii laga hor istaagay inuu qabto shir uu ku sheegay wadatashi ku saabsan mustaqbalka Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha iyo Xukuumadda oo markii hore lagala tashan qabashada shirkan ayaa la ii sheegay in saacadihii ugu dambeeyay Taabid Cabdi ku wargeliyan inuu joojiyo shirka haddii kale xilkiisa u waayi doono.

Isagoo wejigiisa ka muuqato caro ayaa maanta oo Sabti ah u sheegay Wariyaasha Taabid Cabdi Duqa Muqdisho in howlo farsamo oo jira awgood uu shirka u baaqday waqtiga shirka la qaban doono uu maamulka dib ka soo sheegi doono.

Laakiin Xaqiiqda sidaas ma aha , Taabid waxaa uu culeys ka soo wajahay Madaxweynaha iyo Xukuumadda oo u arkeen inu is ballaarinayo isla markaana uu tartan kula jiro iyaga.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo Xukuumadda ayaa u arkay Taabid nin dheeraynaya oo iyaga ka madax banaan, waxayna hadda ka fikirayan sidii xilka looga qaadi lahaa,waxaana jira gorgortan siyaasadeed oo kursiga Taabid la gelinayo.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jan 6 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented