allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

FARMAAJO oo ku sii jeeda Garoowe

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhow la filayaa in uu u ambabaxo Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu ka qeybgeli doono munaasabad loogu dabeeldegayo Afar Sano guuradii ka soo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Puntland oo ku beegan 8 Bishaan ee Janaayo.

Socdaalka Madaxweyne Farmajo ayaa waxa ku wehlin doona maanta Xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlmaanka Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada halka masuuliyiin kale ay ka sii horeeyeen.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa haatan laga dareemayaa diyaar garoow ku aadan soo dhaweyntiisa,iyada oo lagu arkayo sawirka Madaxweynaha oo la suray Wadooyinka Garoowe.

Inta uu ku sugan yahay Madaxweyne Farmaayo Garoowe ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda puntland ugu sareysa iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa tegi doonaa Magaalooyin ka mid ah Puntland sida magaalada Boosaaso.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jan 6 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented