Xildhibaan Yusuf Kabaale Wakiilka Taabid u qaabilsan dhulka Danta Guud ee ku yaala degaanka Xoosh, Nuurto Sheekh Maxamud oo dhul lagu abaal mariyay

0
1

Xildhibaan Yusuf Kabaale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo horay Dalaal ugu dhulalka Muqdisho ee la boobayay ugu ahaa Muungaab ayaa hada noqday Dalaalka Duqa Muqdisho Taabid Cabdi u qaabilsan Dhulka Danta guud ee ku yaal Xaafada Xoosh ee duleedka degmada Dharkeenley.

Sida ay sheegayan wararka Taabid Cabdi Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ku gudi jiraa iibinta dhulal badan oo danta guud oo ku teedsan xaafadaha Magaalada muqdisho, wuxuuna u kala sameystay wakiilo la xaajoonaya kuwa aan ka xishoonaynin iibsiga hantida qaranka oo marna aan ku fikiraynin in maalin la isaga daba imaan doona dhul kasta oo qaranka leeyahay oo si qaldan loo iibiyay.

Guddoomiye Taabid ayaa noqday Guddoomiyihii ugu musuq maasuqa badnaa ee soo mara Gobolka Banaadir,boobka dhulalka lagu haayo waxaa ka sii daran qasnada Maamulka Gobolka Banaadir oo noqotay mid isaga sidii uu doono ka yeela.
Idaacado lacag la siiyay, oday dhaqmeed lacag loo qoray, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo shaqsiyaad kale oo lacagta Gobolka Banaadir biil joogta ah looga qoray.
Wararka ayaa sheegaya in Taabid Cabdi Dhulka Danta guud ee ku yaal Xaafada Xoosh ee duleedka degmada Dharkeenley boosas badan ka siiyay Nuurto Sheekh Maxamud oo ah hooyada xaaskiisa, waxaana la soo sheegaya in dhulkaas sidoo kale wax laga siiyay shaqsiyaad beryahan dambe saameyn ku yeeshay arrimaha gobolka Banaadir.

Guddiga dabalka Qaramada midoobay ee dalka Soomaaliya ayaa waxay hadda isha ku haayan musuq maasuqa iyo boobka hantida qaranka uu horseedka ka yahay Taabid Cabdi Duqa Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Yusuf Kabaale ayaa wuxuu u dhaxeeya ganacsatada dhulkaas iibsanaya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi.

Dowladda Soomaaliya ayaa had iyo jeer ku cel celisa inay la dagaalamayso musuqa faraha ka baxay ee dalka ka jira hase yeeshe Xafiiska Madaxweynaha iyo Xukuumadda waxay indhaha ka qabsanayan musuqa Taabid Cabdi hoggaaminaya ee lagu boobayo hantida Gobolka Banaadir, sababta ugu aamusan yihiin ayaa waxay tahay dhaqaalaha faraha badan ee uu helo Taabid ayay iyagana waxay helaan qeyb ka mid ah.