Sanbaloolshe oo doonaya inuu ku soo laabto Baarlamaanka iyo Loolan adag oo kala kulmaya Siyaasiyiinta Beeshiisa

0
1

Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka  iyo Nabadsugida Somalia Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe,ayaa wakhti badan ku bixinaaya dib ula soo laabashada xubinimadiis baarlamaanka Somalia kadib markii laga eriyay shaqadii uu ka haayay Sirdoonka Soomaaliya.

Sanbaloolshe, ayaa loolan adag kala kulmaaya musharaxiin dhowr ah oo kula tartami doonta xubinimada baarlamaanka, waxaana soo baxaaya in qaarkood ay ku gacanseeren codsi uu usoo jeediyay Sanbaloolshe.

Sanbaloolshe, ayaa baqdinta ugu badan ka qaba Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan C/fitaax Afrax oo garab weyn ka heysta dhanka dowlada Federaalka iyo Ugaaska Beesha Xawaadle.

Hogaamiyaha maamulka HirShabelle Waare ayaa isna garabtaagan C/fitaax oo xiligaan u tafaxeydanaayo kursiga Beesha Xawaadle ee banaan, waa haddii uusan Sanbaloolshe la imaan Siyaasad ka duwan tan uu iminka dheelaayo.

Sidoo kele, Ergooyinka dooran doona Musharaxa ku munaasibka ah kursiga banaan ayaa qaarkood gaaray magaalada Jowhar oo noqon doonta halka ay doorashada ka dhici doonto.