FAARAX C/QAADIR oo Weli Maskaxda kaga wareegaysa Madaxweynihii Fashilmay, C/shakuur Cali Mire oo Fashilmay iyo Xubnihii kale ee Hadlay, Daawo Video

0
66

Madal loogu magac daray Talo Wadaag oo uu Guddoomiye ka yahay Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya Ridwaan Maxamed Xirsi ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddii Daah-furka Madasha Talo Wadaag ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano, Siyaasiyiin horay xilal u soo qabtay iyo dad kale oo caan ah.

Khudbadihii laga jeediyay Munaasabadda ayaa mar kale u weecday dhinac aan la fileyn oo ahaa weerar iyo jawaab, iyadoo siyaasiyiinta dhaliilsan Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo iyo kuwa taageersan ay Munaasabadda uga faa’ideysteen inay isku weeraraan.

Faarax Sheekh C/qaadir oo ka mid ah Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka, kana mid ahaa saaxibada Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa soo hadal qaaday hadal uu hada ka hor yiri Madaxweynihii Xasan Sheekh, kaasoo ahaa qof Soomaali oo Ajnabi aada inuu yahay qof ka cararay Soomaali kale, isagoo xusay in marka hore la iska daayo Ajnabiga suuq loo yeelayo oo Soomaalinimada la aamino..