allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Wasiirka Amniga dowlada Soomaaliya oo ka qeybgalaya shirka Booliska adduunka

Wasiirka Wasaarada Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa kasoo qayb galay Shirka Shanaad ee Booliska Adduunka (INTERPOL ) oo looga hadlayey la dagaalanka ka ganacsiga Dadka iyo Tahriibka.

Shirka ayaa ayaa ka Qabsoomay oo magaalada Doxa ee Caasimada dalka Qatar 6-dii iyo 7-dii Bisha December, Waxaana Kasoo qayb galay Wufuud ka socotay dhamaan Dalalka Caalamka.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa Kulan la yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Qatar oo uu ka mid yahay Wasiirka Maamulka Horumarinta Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Arimaha Bulshada ee dalka Qatar, Waxayna labada dhinac ka wada hadleen Sidii la isaga kaashan lahaa Xidhiidhka INTERPOLKA iyo Sida Shaqooyin Iyo Tababar loogu samayn karo Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Soomaalida ayaa qayb ka ah dadka dhibaatooyinka kala kulma Tahriibka, Waxaana shirkan kusoo beegmayaa Xili dhowaan ay siwayn usoo shaac baxday Dhibaatooyinka Baaxada ee dadka Mujaajiriinta ah loogu gaysanayo dalka Liibiya.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 7 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented