allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

KU NOQ NOQOSHADA FARMAAJO DALKA MASAR OO BADATAY

Ku laabashada tirada badan Magaalada Qaahira Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay ku soo aadaysa xilli Itoobiya iyo Masar xiisad weyn ka dhex taagan tahay, waxaana shaki badan laga bixinayaa xiriirka Masar iyo Farmaajo iyo waxa xiisada labada dal ee biyaha Webiga Niil isku haysta isku soo aadiyay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta u kicitimaya magaalada Sharm El-Sheikh, halkaasoo uu uga qeyb galayo Shirka Ganacsiga Afrika, oo ay ka qeyb galayaan Illaa shan Madaxweylayaan Afrikaan ah iyo marti sharaf kale.

Shirka Africa 2017 Forum ayaa ka dhici doona magaalada Sharma El-Sheikh 7 illaa 9 December, waxaa looga hadli doonaa arrimo badan oo ku saabsan Ganacsiga iyo horumarka ka jira Qaaradda Afrika.

Madaxweynayaasha Rwanda, Guinea, Comoros iyo Ivory Coast ayaa khudbad ka jeedin doona shirka Ganacsiga Afrika.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaan wax khudbad ah ku laheyn shirka, marka laga reebo inuu ka mid yahay martida qaaska ah ee Madaxweyne Abdel Fatah Al Sisi.

Warar ayaa sheegaya in fursada ku dhex jirta safarkiisa Sharma El-Sheikh ay tahay in isaga iyo Imaaraadka Carabta la heshiisiinayo, isla markaana dowladda Masar ay muddooyinkii u dambeeyay waday dadaalo ay ugu kala dab-qaadeysay, horay Masar waxay ku guuleysatay inay isku soo dhoweyso Madaxweyne Farmaajo iyo Sacuudiga

Waa todobaadkii labaad oo Madaxweyne Farmaajo safar dibadda ah ku baxayo, iyadoo todobaadkii hore Madaxweynaha uu booqasho ku tagay dalalka Kenya iyo Ivory Coast, halkaasoo uu uga qeyb galay Caleema saarka Uhuru Kenyatta iyo shirka u dhaxeeyay Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.

Safarada Madaxweyne Farmaajo u baxayo dibadda ayaa sii kordhaya, 10-kii bilood uu xafiiska joogay safaro badan ayuu ku tagay dalal dhowr ah, waxaana dad badan ay bilaabeen inay su’aalo ka keeneen safarada Madaxweynaha, iyadoo la xusuusto in markii uu Ololaha ku jiray in Madaxdii hore uu ku dhaliili jiray safarada badan, balse waxaa muuqata in Madaxweynuhu uu hada ogaaday in safarada dibadda ay muhiim yihiin.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 7 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented