allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

TAABID CABDI oo Doonaya inuu sameysto Ciidamo isaga u gaar ah si ay u gaarsadaan siyaasiyiinta iyo shaqdiyaadka caanka ah ee halis gelin kara maamulkiisa keliya taliska ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa doonaya inuu sameysto ciidamo isaga u gaar ah oo ka madax banaan ciidamada dowladda si uu awood ugu sheegto cid alla ciddii wax ka sheegta maamulkisa keliye taliska ah.
Isagoo ka hadlayay shirkii arrimaha amaanka looga hadlayay ee ka dhacay muqdisho ayuu sheegay in laga maarmaan tahay in maamulkisa uu sameysto ciidamo ka madax banaan hay’adaha amniga dalka.

Waxaa uu sheegay ciidamo kala duwan ay ka howl galaan magaalada Muqdisho, isla markaana ay adkaatay inay xaqiijiyaan amniga Muqdisho, taasna ay sababtay in loo baahdo Ciidamo madax banaan oo hoos-taga Gobolka Banaadir oo leh Hal Talis.

“Gobolka Banaadir waxay leedahay tirada ugu badan ee Ciidamo ammaanka, hadana waxay si joogta u wajahaan khataro amni, waana sababta aan ugu qanacsan nahay in aan helno ciidamo madax banaan oo isku xiran, lehna Hal Talis”ayuu yiri Guddoomiye Taabid.

Taabid ayaa doonaya inuu yeesho awood ka madax banaan dowladda soomaaliya si uu u noqdo awooda keliya ee ka jirta magaalada muqdisho.

Bishii May ee sanadkan ayaa Golaha Wasiirada waxay dhiseen Ciidan isku dhaf ah oo loogu magac daray Xasilinta Caasimadda, kaasoo la hoos-geeyay Maamulka Gobolka Banaadir, ciidamadan ayaa isugu jiray Boolis, Milateri, iyo Nabadsugid, waxaana ciidamadan ay ka qeyb qaateen isku dhacyo dhiig fara badan ku daatay oo ka mid ahaa mid dhex maray iyaga iyo Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada iyo iska hor imaad kale oo ay degmada Dayniile kula galeen Ciidamo Milateri.
Taabid waxaa uu doonaya inuu cagta hoosteeda geliyo siyaasiyiinta iyo qalabka warbaahinta madax banaan isagoo taasi suuragal u noqon karta inuu dilal iyo dhacdooyin kale geysto inta uu awooda buuxda ku leeyahay gobolka Banaadir.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 6 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented