allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Wajigii labaad ee Shirkii London ee ka socday Muqdisho oo lasoo gabagabeeyey

Wajiga 2-aad ee shirkii London ee arrimaha Soomaliya, islamarkaana madaxda Dowladda Fedraalka ah, kuwa Maamul goboleedyada dalka iyo Beesha caalamka uga socda Magaaladda Muqdisho, ayaa Maanta lasoo gabagabeeyey, iyaddoo la filayo in laga soo saaro war murtiyeed ku saabsan qodobadii looga hadlay shirkaasi.

Wajigii labaad ee Shirkaasi, ayaa waxaa maanta laga jeediyay khudbado kala duwan oo aad muhiim u ah, waxaana khudbadii ugu horeysay jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka hadlay Hormaro badan oo dhinaca dhaqaalaha iyo amniga ah oo dowladda sanadkan ay ku talaabsatay, Federaalka, Qorshaha Doorashada 2020 iyo Xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada hoostaga.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,  Xasan Cali Kheyre, ayaa qeybaha dambe ee shirkaasi guddoomiyey, isagoo ka hadlay arrimaha dib u eegista dastuurka iyo xoojinta wadashaqeynta ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada.

Shirka, ayaa warbixino ku saabsan qabsoomida doorasho qof iyo cod siddii dalka ay uga dhici laheyd looga dhageystay Wasiiradda Dastuurka, Qorsheynta, arrimaha gudaha, Haweenka iyo Guddoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, waxaana gabagabada shirka jaanis la siiyey beesha caalamka oo iyagguna ka hadlay aragtidooda.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Cumar Yariisoow, ayaa Wariyeyaasha u sheegay in u jeedada shirkaan ay aheyd siddii loo dhaqan gelin lahaa qodobadii shirkii London ee arrimaha Soomaaliya looga hadlay, isagoo xusay in Wajigii labaad ee shirka London laga soo saaray Warmurtiyeed ka kooban 48 qodob, warbaahintana ay la wadaagi doonaan dhowaan.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 5 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented