allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Madaxweyne Farmaajo “Dowladda waxaa ka go’an dhismaha Ciidan Qaran oo tayo leh”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay furitaanka Shirweynaha Amniga Soomaaliya ee ka furmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay dhismaha ciidan qaran oo tiro iyo tayo ahaanba ku filan in ay amniga kala wareegaan Ciidanka Nabad Ilaalinta Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).
Shirkan oo muddo labo maalmood ah soconaya ayaa Soomaaliya iyo Beesha Caalamku waxa ay dib u eegid ku samaynayaan qorshayaashii ka hirgalay shirkii Soomaaliya ee London, hirgalinta qorshaha qaab-dhismeedka Amniga Qaranka oo haatan ay meel wanaagsan maraya howlaha isku dhafka Ciidanka iyo sidii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ula wareegi lahayd amniga dalka kaddib markii uu soo gaba-gaboobo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay dhankooda si mug leh u buuxiyaan kaalinta ay maanta Soomaaliya ka sugayso, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

“Waxaa noo muuqata ifafaallo ku aaddan Soomaaliya oo xor ka ah argagixisada, dhammaanteenna taas ayaan ka midaysannahay oo aan ka leenahay qorshe midaysan, beesha caalamkana waxa aan ka doonaynaa in ay si buuxda uga soo dhalaasho ballan qaadyadii Shirkii London.”

Madaxdka iyo masuuliyiinta ka soo qayb galay Shirweynaha Amniga Soomaaliya waxaa ka mid ahaa Raiisul Wasaaraha dalka, Raiisul Wasaare Kuxigeenka, Xubno ka mid Golaha Wasiirrada, Madaxweynayaasha Dowladda Goboleedyada,Guddoomiyaha Gobolka Benaadir.s Taliyeyaasha Ciidamada, Safiirrada dalalka shisheeye ee Soomaaliya, Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya, wufuud ka kala timid caalamka iyo hoggaanka Ciidamada Nabad Ilaalinta Afrika ee AMISOM.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 5 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented