allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

SHIR U DHAXEEYA Madaxda Soomaalida iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta oo isniin ah 4 ta bisha December ay tahay Magaaladaas ka furmi doono wejigii labaad ee shirkii arrimaha Soomaaliya oo kol hore ka dhacay magaalada Landon ee xarunta Dalka Britain.
Shirka oo uu shir guddoomin doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxda dowladda Soomaaliya,kuwa dowlad goboleedyad iyo wakiilo ka kala socoda beesha caalamka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in shirkani diiradda lagu saari doono arrimaha ammaanka iyo waxyaabihii u qabsoomey dowladda Soomaaliya.

Bishii May isla sanadkan 2017 ayay ahayd markii magaalada London uu ka dhacay wejigii koowaad ee shirkaasi,oo laga soo saarey qodobo muhiim ah oo quseeyay arrimaha Soomaaliya,waxaana dowladda Soomaaliya ay ku soo bandhigaysa shirkani waxyaabihii uga qabsoomey shirkiii London.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 4 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented