allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Abuu Mansuur oo mid mid loo soo mariyay saldhigyada Ciidamada Dowladda ee Magaalada Baydhabo

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo maalmo ka hor gaaray magaalada Baydhabo ayaa bilaabay komeero uu ugu kuur galayo xaalada magaalada, isagoo booqday saldhigyo ciidan.
Wadaadkan oo taageero ballaaran ka heysta dadka reer Koofur Galbeed ayaa maalmo ka hor si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo, iyadoo dadweyne fara badan ay ku soo dhoweeyeen caleema qoyan.

Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed Nuuradiin Gacma ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow uu kormeero qeybo ka mid ah magaalada oo ay ku jiraan goobo uu isaga codsaday, balse aanay xilligan warbaahinta ka sheegeyn.

“Ujeedka wuxuu ahaa inuu indha indheeyo xaalada magaalada, waxaa jirtay meelo gaar uu codsaday in la geeyo, wuuna kormeeray, ma rabno in aan hada ka sheegno saxaafada meelahaas uu tagay”ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in maalmaha soo socda la faah faahin doono ujeedada safarkiisa iyo meelihii uu booqday, marka ay soo idlaadaan kulamada.

Mukhtaar Roobow ayaa la sheegay inuu doonayo in guluf dagaal uu ku qaado Al-Shabaab, waxaana la sheegay in Maamulka Koofur Galbeed kala hadlayo sidii taageero loo siin lahaa maleeshiyaad taageersan oo ku sugan Gobolka Bakool.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 3 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented