allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Maraykanka oo ka baaraandagaya aqoonsiga Jeruselam

Saraakiil Maraykan ah ayaa sheegaya in madaxweyne Donald Trump uu aad u danaynayo in magaaladda Jerusalem loo aqoonsado caasimadda Isare’il.

Waxaana laga yaabaa in arrinkan lagu dhawaaqo isbuuca soo socda.

Aqoonsiga magaaladaasi Jeruselam waa mid ka mid waxyaabaha ay Falastiiniyiinta iyo Yuhuuda isku hayaan.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale magalaadaasi aanan u aqoonsanayn inay caasimada tahay.

Balse Madaxweyne Donald Trump ayaa ololihiisii siyaasada ku soo galay in Jeruselam uu u rari doono caasimada Maraykanka haddii la doorto.

Balse waxa uu Trump la kulmay kahor imaansho iyo mucaaradad gaar ahaan kuwa ka cabsi qaba inay arrinkani xaaladda uga sii darayso.

Waxaana hadda jirra qorshe kale oo laga baaraandagayo oo ku saabsan amuurtani.
Saraakiisha ayaa sheegaya in hadda la eegayo sidii arrinkani loogu dhawaaqi lahaa iyadoo wax saamayn ah keenin.

Waxaa sidoo kale digniin la geliyey safaaradaha Maraykanka eek u yaalla wadamada Islaamka oo laga cabsi qabo inay dibadbaxyo ka dhacaan

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 2 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented