allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Madaxwaynaha cusub ee Zimbabwe oo magacaabay golihiisa wasiirada

Madaxwaynaha cusub ee Zimbabwe, Emmerson Mnangagwa, ayaa magacaabay golaha wsaiirada,isaga oo saraakiil sarsare oo militariga ka tirsan u magacaabay jagooyiin sarsaare.

Mr Mnangagwa ayaa la dhaariyay todobaad ka hor ka dib markii uu iscasilay Robert Mugabe, oo xukunka dalkaasi hayay 37 sano.

Wasirka arrimaha dibadda ee cusub ee Zimbabwe waa Sibusiso Moyo, waana janaraalkii laba todobaad ka hor sida la yaabka lahayd telefishinka dalkaasi uga dhawaaqaday in awooda dalkaasi ay ciidamada la wareegeen.

Madaxa ciidamada cirka Perence Shiri ayaa loo magacaabay wasiirka dhulka iyo beerarha.

Waxaa uu caan ku ahaa oo uu hogaaminayay howlgalkii ka dhacay goobt lagu magacaabo Matabelelandin horraantii 1980 kaasi oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 20 kun oo rayid ah .

Mid ka mid ah dadka dhaliila dowladda , Tendai Biti,in ayaa sheegay in waqtigii dabaaldaga uu dhamaaday.

Mr Biti,ayaa intaa ku daray in si sahlan ay u rajaynayeen isbadal taasi oo muujinaysa ayuu yiri sida aan u qaldanayn.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 1 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented