allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland oo Bam Gacameed lagu weeraray

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in bam gacmeed lagu tuuray ciidamo ka tirsan Puntland kuwaasoo marayay waddo mashquul badan oo ku taal bartamaha magaalada Boosaso.

Bamkan ayaa geystey qasaaro iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in dad gaaraya toban ruux oo badankood ahaa ciidamadii saarnaa gaariga bamka lagu weeraray la dhigey isbitaalka magaalada Boosaaso.

Dadka dhaawaca ah ayaa la sheegay inay ku jiraan dad rayid ah oo ku dhacday rasaas ay fureen ciidamadii la weeraray. Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Bari ama dowlad goboledka Puntland.

Goobta ay wax ka dhaceen ayaa waxaa gaaray Ciidamada Puntland, kuwaas oo ka wada baaritaano isla markaana samaynaya hawlgalo.

Qaraxa ayaa kuso beegmay xilli uu jiro khilaaf u dhexeeya Ganacsatada iyo dawlada welina uu hakad ku jiro maalintii 2-aad ganacsiga magaalada.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Nov 30 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented