allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

WASIIR DUCAALE oo markii uu ku fashilmay amniga dalka bilaabay inuu u hanjabo Siyaasiyiinta iyo Wariyaasha

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa u hanjabay dadka uu sheegay inay ka shaqeeyaan faafinta wararka been abuurka ah, wuxuuna si gaar ah bartimaameed uga dhigtay Siyaasiyiinta iyo Wariyaasha.
Wasiirka oo shalay ka hadlayay kulankii Golaha Wasiirada ayaa u sheegay inaan aqbali doonin khakhal gelinta ammaanka dalka iyo in been laga sheego Hay’daha amniga xilligan oo lagu howlan yahay xasilinta degaanada laga saaro Al-Shabaab ee gobolada dalka.

Sida uu saxaafadda u sheegay Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo soo xigtay hadalkii Wasiirka amniga ka jeediyay shirkii Golaha Wasiirada ayaa intaas ku daray in wasiirku sheegay in si adag loola xisaabtamayo dadka ka shaqeeya faafinta wararka been abuurka ah iyo kuwa la doonayo in amniga dalka lagu khakhal geliyo.

Siyaasiyiin, musharixiin hore iyo xildhibaanno ayaa Muqdisho ka wada olole siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu fashiliyo dowladda Farmaajo, laguna siyaasadeeyo xaalad waliba oo amni, arrintaas oo dhowaan madaxweyne Farmaajo oo si kulul ugu eedeeyay qaar ka mida siyaasiyiintii tartanka doorashada la galay.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Nov 17 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented