allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

GOLAHA WASIIRADA OO BUUQ KA DHEX TAAGAN, Wasiir Beyle oo saaka isaga soo baxay shirkii Golaha, xaalada ma wanaagsana

Golaha Wasiirada oayaa ka dhex buuq ka taagan yahay kadib is casilaadii Wasiirad Maryan qaasim iyo qaar ka mid ah xubnaha Wasiirada oo saaka fadhi ay lahaayan ka sheegay in faraha gelin lagu haayo shaqadooda , halka Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Beyle isaga soo baxay shirka oo saacadihii qabsoomi lahaa laga soo horumariyay bacdamaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku sii jeeday Magaalada Baydhabo.
Wararka ayaa sheegaya in inta badan muramada u dhaxeeya Golaha Wasiirada ay salka ku haayan faragelino iyo qaar ka mid ah Wasaaradaha oo laga hoos abuuray guddiyo aan loo baahnayn.

Mid ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada ayaa inoo sheegay in laga yaabo in Wasiiro kale is casilaan waxayna u badan tahay Wasiirka arrimaha gudaha oo xiriirka kala dhaxeeya Ra’iisal Wasaarihiisa aan wanaagsanayn.
Si kastaba xeerka shaqo iyo dasuurka qabyada ayaa had iyo jeer qoorta isku geliya madaxda iyo Wasaaradaha dalka.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Nov 16 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented