Wadooyinka Muqdisho OO Burburay Iyo Lacagtii lagu dhisilahaa oo Taabid u adeegsanaya olole siyaasadeed oo lagu amaanayo shaqsiyadiisa, Daawo Video

0
1

Wadooyinka Caasimadda muqdisho ee soomaaliya ayaa dib ugu laabtay muuqaalkii hore ee burburka iyo qashinka dhoobanaayan kadib markii maamul xumo la yimid Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, marka aad indhahaaga saartana waxaa durba dib u xusuusanaysaa 8 sano ka hor sidii ay ahaayan inay maanta lala barbar dhigi karo.

In kastoo dowladihii dalka soo maray ay wax badan ka qabteen dib u dhiska qaar ka mid ah waddooyinka hadana Maamulka hadda ka taliya Magaalada muqdisho ee hoggaamiyo Taabid Cabdi Maxamed ayaa noqday midka ugu liita ee ku fashilmay in dhaqaalihii Gobolka dib ugu celiyo magaalada.