allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

MAGACYADA 10 ruux oo lagu soo daaweeyay dalka Turkiga oo maanta lagu soo celinaya Magaalada Muqdisho

10 ka mid ah dhaawacyadii 14 octobar ku dhaawacmeen qaraxii weynaa ee ka dhacay degaanka Zoope ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta dalka dib loogu soo celiyo kadib markii lagu soo daaweeyay isbitaalada dalka Turkiga oo sida hadda la sheegay xaaladooda aad u wanaagsan tahay.

Dhaawacyadan ayaa la sheegay inay soo bogsoodeen, isla markaana ay heleen daryeel caafimaad, tan iyo intii ay ku sugnaayeen Isbitaalada Turkiga.

Wasiirka Caafimaadka Turkiga ayaa xalay Xaflad sagootin ah u sameeyay qaar ka mid ah dhaawacyada darnaa oo soo bogsooday, waxaana uu tilmaamay in daawada inta u hartay ay Muqdisho ku qaadan doonaan, maadaama ay ka baxeen xaaladii darneyd.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta ku soo dhoweeyaan dhaawacyadan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 

Dowladda Turkiga oo aheyd dalkii u horeeyay ee u soo gurmaday dadkii ku dhaawacmay qaraxii Isgoyska Zoobe ka dhacay 14-kii bishii hore ayaa helay daryeel caafimaad oo wanaagsan, waxaana badankood dadkii loo qaaday Turkiga ay yihiin kuwo dhaawacyadii soo gaaray ka bogsooday.

Halkan hoose ka akhriso magacyada dhaawacyadii Turkiga loo qaaday oo Muqdisho lagu soo celinayo.

1.Ismaaciil Ibraahim Maxamed

2.Maxamed Ashkir Cawaale

3.C/salaam Cusmaan Saalax

4.Mahad Cabdi Sheekh

5.Maxamed Cali Wehliye

6.C/qaadir Maxamed Cabdulle

7.Istar Cali Maxamed

8.Mursal Sheekh Axmed

9.Cali Maxamuud Maxamed

10.Faaduma Xaaji Cali

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Nov 14 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented