allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

TAABID CABDI oo mudd ka yar sanad ka mid noqday dadka ugu taajirsan Gobolka Banaadir,Boobka Hantidii Gobolka Xalaal ayuu ka dhigtay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa sii laba laabay boobka hantida Gobolka Banaadir isagoo si aan xishood ku jirin u baneystay boobka dhaqaalaha Gobolka soo gala iyo dhulal fara badan.

Boobka hantida Gobolka Banaadir ayaa waxaa baneystay Taabid Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Gobolka iyo Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir xilli dadka Magaalada muqdisho la dhibaatoonayan amni xumo, caafimaad daro iyo biyo aan nadiif ahayn.

Ma jirto ilaa iyo hadda dhaqaalaha Gobolka soo gala oo lagu dhisay hal school ama goob caafimaad, xarumaha caafimaadka ee ku yaala Magaalada muqdisho dhamaantood waa lacag ma jirto caafimaad bilaash ah, sidaas darteed lacagta gobolka soo gasha waxaa la awooda in goob caafimaad oo lagu daryeelo hooyada iyo dhalaanka lagu dhiso.


Fahad Yaasiin Xaji Dahir Agaasimaha Madaxtooyada, Cali Maxamed Geeddi Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya,Nuurta Sheekh Maxamud Xaaska Taabid hooyadeeda,Wasiiro,Saraakiil ciidan ayaa si laaluush ah bil kasta lacagta Gobolka Banaadir loo siiya.

Waxaa jira odayaal dhaqmeedyo iyagana lacag laga siiya gobolka si ay u taageeran Taabid Cabdi Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Taabid Cabdi Maxamed ayaa la sheegay inuu wax ka yar sanad ka mid noqday dadka ugu taajirsan ee ku nool magaalada muqdisho taasina waxaa u suurageliyay awoodii gobolka banaadir oo gacantiisa ku jirta iyo isagoo lacagta gobolka sidii uu doono u maamushado.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Nov 13 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented