allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

SAFIIR DIIDAY INUU XILKA WAREEJIYO, Dowlad shisheeye oo ku lug leh dhacdadan

Safiirka Soomaaliya ee dalka Imaaraadka u fadhiyay C/qaadir Sheekhey Maxamed Alxaatimi ayaa diidan inuu wareejiyo xilka ay ka dalbatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya.
Safiirka oo markii labaad xilkan qabtay Bishii May 2012 ayaa si weyn ugu xididdeystay Imaaraadka, wuxuuna ku lug yeeshay lacago wasiirkii maaliyadda dowladii Sheekh Shariif ee Shariif Xasan Sheekh Aadan uu lunsaday, waxaana bedelkiisa soo saaray bishii hore xukuumadda Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa 8 safiir oo loogu yeeray inay dalka soo galaan oo ay xilka ku wareejiyaan kuxigeenadooda.

Safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta C/qaadir Shiikhey ayaa mar kale looga dalbaday qoraal 24-kii bishii hore ee October loodiray, iyadoo loogu yeeray inuu Muqdisho tago, taasoo uu ka dhego adeygay.

Waxaa la filayay inuu xilka ku wareejiyo Axmed Dahir Maxamed oo noqon lahaa Sii-hayaha Safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta, laakiin Danjire Sheekhey ayaan dheg jalaq u siinin go’aanadda wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya, isagoo taageero buuxda ka heysta madaxda Imaaraadka oo ay si weyn isu fahamsan yihiin.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Nov 13 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented