allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Jahwareer ayaa ka taagan yahay weerarkii Hotel Naasa Hablood, Sarkaal Ciidamada xoogga ka tirsan oo gurigiisa la beegsaday

Cali Maxamed Jubbad waa Sarkaal ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo sheegay in uu ahaa Sarkaalkii qabtay kadib markii ay Gurigiisa galeen qaar ka mid ah raggii ka tirsanaa Shabaab ee 28,kii Bishii Octoper ee Sanadkaan weeraray Hotelka Naasa Hablood 2 ee M/Muqdisho.

Sarkaan kaan oo Wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in Saakay ay soo weerareen gurgiisa ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-Sugida iyo Booliiska Soomaaliya oo doonayay isaga in ay qabtaan.

Waxa uu sheegay in arrintaan ay timid kadib markii Saddex ka mid ah ragii weeraray Hotelkaas uu si xeeladeysan uu u qabtay abaalgud looga dhigay in horay Caruurtiisa la xiro marna isaga Gurigiisa lagu soo weerarayo.

“Adeer Gurigeyga ayaa waxaa soo weeraray Ciidamo Nabad-Sugid iyo Booliis isugu jira xabad ayayna nagu soo bilaabeen balse waxa iska difaacay ilaaladeyda, dhimasho iyo dhaawac ayaana ka dhashay hadana ima qaban oo waan ka baxsaday waxan joogaa taliska xoogga dalka Soomaaliya”
mar uu ka hadlayey sababta keentay in lasoo weeraro ayuu yiri:

“Runtii waxkale maahan ee maxaad u qabatay ragaas ayaa hada ka hor Caruurteyda loo xiray hadana la igu soo weeraray marka arrintaan waxay u taalla madaxda dalka maamusha iyo Shacabka Sooamaaliyeed ayuu yiri Cali Maxamed Jubbad.

Sarkaal ka tirsan ciidamada milateriga oo la sheegay inuu galay tuhun ku saabsan inuu ku lug lahaa weerarkii Alshabaab ku qaadeen Hotelka Naasa-hablood 2 ee magaalada Muqdisho ayaa ka baxsaday gurigiisa.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Cali Cabdi Dubad ayaa sheegay inuu ka baxsaday guriga oo ay maanta ku weerareen ciidamada Booliska iyo kuwa NISA, markii uu dagaal dhex maray ilaaladiisa, wuxuuna sheegay in askari laga dilay mid kalena laga dhaawacay.

Kadib weerarka ciidamadu ku qaadeen guriga sarkaalkan oo ku yaalla dhabarka danbe ee Godka Jilacow ayaa waxaa dhacday inuu ka baxsado goobta, iyadoo uu saxaafadda u sheegay inuu hadda ku sugan yahay xero ay ciidamada ku leeyihiin degmada Hodon, iyadoo la filayo in ciidamo milateri oo qaab beeleed u abaabulan uu megangalyo ka helay.

Wuxuu ku doodayaa Cali Cabdi Dubad ayaa arrinta heysata ku eedeynaya kadib markii uu isagu qabtay xubno xubno ka tirsan Al-shabab kuna wareejiyay hay’adaha amaanka Soomaaliya. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Nov 12 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented