allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Uganda Oo Sheegtay Inay Ciiddankeeda Kala Baxayso Somalia

Milliteriga Ugnda ayaa shalay ku dhawaaqay inay Ciiddankooda kala baxaan Somalia marka la gaaro dabayaaqada bisha soo socota ee December, sida uu ahaa Xilliga ay Ururka Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee QM go’aamiyeen.
Afhayeenka Milliteriga Uganda, Richard Karemire ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA inuu qorshaha daad-gureynta lagu salaynayo dhimista tirada Ciiddanka dagaalama ee Uganda ee qeybta ka Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo tiradood ka badan tahay 6,000 oo Askari.

Afhayeenka Milliteriga Uganda waxa kale oo uu tilmaamay in La-bixidda CiiddankaAMISOM xitaa soo dedejinayso Awoodda ay Ciiddanka Ammaanka Qaranka Somalia u yeelan doonaan inay la wareegaan mas’uuliyadda Ammaanka ee dalkodoa hooyo.

Waxa uu intaasi ku daray ina Ciiddanka Somalia weli ku korayaan taageeradda AMISOM iyo Saaxiibadda kale, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Dowladaha kale ee ay Ciiddamadda ka joogaan Somalia ayaa ku hawlan qorshaha ay ku dhimi lahaayeen Ciiddankooda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Wakiilka Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira waxa uu Talaadadii hore sheegay Qorshaha Ka-bixitaanka AMISOM ee Somalia, wuxuuna tilmaamay in 1,000 Askari oo ka tirsan AMISOM la filayo in bisha soo socota laga daad-gureeyo Somalia.

Somalia waxaa haatan ku sugan 22,000 Askar Nabad-ilaalin ah oo ka kala socda dalalka Jabuuti, Uganda, Kenya, Burundi iyo Ethiopia, kuwaasi oo qeyb ah Hawlgalka AMISOM ee 10-sanno jirsaday.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Nov 9 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented