allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Abdirahman Abdishakur Ma siyaasi-baa mise Jaajuus Safaaradaha ajanabiga ee Nairobi ku faafinaya xumaanta Soomaaliya?

Abdirahman Abdishakur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyed marna soo noqday Wasiirk Xukuumaddii Cumar C/rashiid 2009 kii ayaa olole ka dhan Xukuumadda soomaaliya u soo wakiishatay Dowladda Imaaraadka Carabta oo siyaasad ahaan diidan xiriirka u dhaxeeya soomaaliya iyo Turkiga iyo mowqifkii dowladda soomaaliya ka qaadatay muranka u dhaxeeya wadamada Khaliijka iyo Qadar.
Abdirahman Abdishakur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta shaarkooda wasaqeysan inta badan wadamada reer galbeedka Safaaradahooda Magaalada Nairobi maalin walba kulan hanta ama xumaanta soomaalida ka faafiya ayaa la sheegay inuu Magaalada Muqdisho ka wada abaabul aad u liita oo aan haysanin taageerada Siyaasiyiinta degaanka, isagoo dadkii la kumay waxaa ugu weyn u sheegaya ay tahay Imaaraadka ayaa na taageersan waxaan doonaynaa inaan dalka ka dhisno dowlad ku xiran Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Sida laga war qabo Abdirahman Abdishakur Warsame ma haysto taageerada dadka muqdisho marka laga reebo 3 doo qof oo ku aragti ah kuwaas oo qaarkood xubin ka soo noqday Maamulaha hoose ee muqdisho sida Maareeyihii hore ee Dekedda Muqdisho.

Iyadoo magaalada muqdisho ay ku dhinteen dad gaaraya 600 qof bishoo Octobar loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo amaanka Caasimadda ayaa Abdirahman Abdishakur Warsame waxaa uu ka shaqeynaya nabad galyo xumada caasimadad si dantiisa ugu gaaro fowda iyo kala dambeyn la’aanta.

Si kastaba Abdirahman Abdishakur Warsame ma heli doono taageerada shacabka soomaaliyed maadama mustaqbalkiisa siyaasadeed raad ku yeelatay kiiskii muranka ka dhex dhaliyay dowladaha soomaaliya iyo kenya ee ku saabsanaa xadka badda labada dal.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Nov 9 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented