allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

MADAXWEYNAHA MASAR oo is arkeen Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya , Daawo Sawirada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Sharma el-Sheekh ee dalka Masar, waxuuna ka qeyb galayaa shirka dhalinyaradda Aduunka kaas oo looga hadlo xaalada dhalinta iyo sidii looga wacyi galin lahaa arrimaha Tahriibka iyo xagjirnimada oo saamayn wayn ku yeeshay dunida oo dhan.

Ra’iisul wasaaraha ku xigeenka Soomaaliya ayaa kulan hor u dhac ah la qaatay Madaxweyna wadanka Egypt Cabdifatax Al Sisi, iyagoona ka wada hadlay in laga wada shaqeyo sidii la iskaga kaa shan lahaa la dagaalanka iyo cirib-tirka Ururka Alshabaab iyo in la abuuro fursado shaqo iyo kuwo waxbarasho kuwaas oo lagu dhiiri galinayo dhalinyarada Soomaaliyeed si aysan u dooran fikradaha ku salaysan argagixisada.


Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Nov 7 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented