FARMAAJO INUU XIRTO DAREESKA CIIDAMADA Kama daalayo, Shabaabna dilka iyo qaraxyada kama daalayan, Odayga oo maanta booqday Wasaaradda Gaashandhigga, Daawo Sawirada

0
1

Madaxweynaha  Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula kulmay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Wasiiru Dowlaha Wasaaradda ahna Kusimaha Wasiirka iyo Saraakiisha ugu sarrayso Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay abaabulka ugu dambeeya ee Ciidanka Xooggu ay ugu diyaar garoobayan dagaalka ballaaran ee argagixisada Alshabaab lagaga sifaynayo dalka.

Saraakiisha Ciidanka ee uu la kulmay Madaxweynhu ayaa muujiyey yididiillo iyo kalsooni, iyaga oo tilmaamay in ay durba guula kasoo hoyeen jiidda hore ee dagaalka hallaas oo ay ka xoreeyeen argagixisada deegaanno ku yalla Shabeĺlada Hoose.