allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Imaaraadka oo diiday in ciidamada uu tababaray ay ka qeyb-galaan dagaal

Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa Iclaamisay dagaal ka dhan ah maleeshiyaadka Alshabaab ee ka dagaalanta Somalia iyo Kenya.
Dowlada ayaa bilowday uruurinta ciidamadii ka qeybqaadan lahaa dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee uu Iclaamiyay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Ciidamada loo diyaarinaayo dagaalka ayaa waxaa kamid ah Militeriga, Nabadsugida iyo Booliska, waxaana meesha ka baxay ciidamada Soomaalida ah oo ay tababartay dowlada Imaaraadka Carabta.

Safaarada Imaaraadka ee Muqdisho ayaa la xaqiijiyay inay ka hor imaaday in ciidamada Soomaalida oo ay tababartay lagu biiriyo dagaalka, kadib markii laga dalbaday inay soo xareyso ciidamada si looga qeybgaliyo dagaalka lagu qaadayo Alshabaab.

Safaarada ayaa sheegtay in ciidamadaasi ay yihiin kuwo khaas ah oo loo diyaariyay ilaalinta xarumaha Imaaraadka ee Somalia, sidaa aawgeed aysan suuragaleynin in laga qeybgaliyo dagaalka ay qaadeyso dowlada.

Wasaarada Gaashandhiga oo diyaarineysa ciidamada Xoogga ee ka qeybqaadan lahaa dagaalka ayaa ku guul dareysatay in ciidamada uu tababaray Imaaraadka ku biiriso kuwa loo diyaarinaayo dagaalka.

Wasaarada ayaa si KMG ah usii hakisay diyaarinta ciidamada inta uu magaalada Muqdisho ka soo gaarayo Madaxweynaha Somalia oo dalka uga maqan Safar shaqo.

Dowlada Imaaraadka ayaa mushaarka siisa ciidamadan oo tirro ahaan dhan ilaa 300 kuwaa oo aan hoostagin Wasaarada Gaashandhiga.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Federaalka ayaa looga fadhiyaa inay go’aan cad ka qaadato faragalinta ay dowlada Imaaraadka ku heyso awoodaha Wasaarada Gaashandhiga ee lagu maamuli lahaa ciidamada.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Oct 24 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented