allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

RA´IISAL WASAARE KHEYRE OO GAARAY JOWHAR

Ra+iisa Wasaaraha  Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow ka degey garoonka diyaadaha magaalada Jowhar iyagoo ka qaybgalaya xaflada caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.
Wafdiga uu horkacayo ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga,Wasiirka Waxbarashada,Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga,Wasiir ku xigeeno,xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa saaka soo gaaray Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Koofurgalbeed, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland.

Markii ay soo gaareen magaalada Jowhar ayaa madaxda dowlad goboleedyada waxa ay yeesheen shir uu albaabada u xiran yahay balse ma jiro wax war ah oo ay ka soo saareen kulankooda.

Goordhow ayaa lagu wadaa in xarunta baarlamaanka Hirshabelle ay gaaraan dhammaan wafdiga ka soo qeybgalay munaasabada caleemasaarka Madaxweynaha HIrshabelle.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Oct 23 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented