allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle oo maanta Jowhar ka dhaceysa

Waxaa maanta lagu wadaa magaalada Jowhar inay ka dhacdo Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle, iyadoo ay ka qeyb galayaan Wafuud kala duwan oo ka kala socda Dowlada Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka.

Qabanqaabada Munaasabada ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Jowhar, iyadoo la adkeeyay Amaanka, Masuuliyiin ka socda Dowlada Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa saacadaha soo aadan lagu wadaa inay gaaraan magaaladaasi.

16-kii Bishii Septemper ee sanadkan ayuu ku guuleystay Maxamed Cabdi Awaare doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ka dhacday magaalada Jowhar.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Oct 23 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented