allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

MADAXWYNAHA MAAMUL GOBOLEEDKA GALMUDUG oo Jowhar gaaray

Madaxda qaar ka mid ah Maamul goboleedyada dalka iyo wafdi ballaaran ayaa saaka gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle, halkaasoo ay uga qeyb galayaan Caleema saarka Madaxweyne Waare.

Madaxweynayaasha Galmudug, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland ayaa goor dhow gaaray Jowhar, waxaana halkaas ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Waare iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale waxaa gaaray Jowhar Senator ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka, odayala dhaqameedyo iyo siyaasiyiin.

Waxaa goor dhow lagu wadaa inuu ka dego garoonka diyaaradaha Jowhar Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa inuu isna gaaro magaalada Jowhar, si uu uga qeyb galo caleema saarka Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la doortay 16-kii bishii hore ee September ayaa maanta uu dhacayaa caleema saarkiisa, kaddib markii labo jeer oo hore uu u baaqday.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo AMISOM ay la wareegeen amniga xarunta uu shirka ka dhacayo, halka Ciidamo Milateri, Boolis iyo Nabadsugid ay ka qeyb qaadanyaaan sugida amniga guud ee magaalada.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Oct 23 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented