allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

SOMALIA : TALO CIIRTAY IYO TACADDI QARAN.

Waddanka Somaaliya waa dal hodon ah, dadka Soomaalidana waa dad gobannimada iyo qarannimada jecel.

Laakiin waxaa markasta soo mara Xukuumado jilicsan oo misna musuqmaasuq ehel u ah. Hase yeeshee weli taariikhda nama soo marin maamul lamida dowladda FARMAAJO lakala garan la`yahay cidda iska leh go`aanka kama dambeystaa.

Wareegtooyin iska soo horjeeda iyo warbixinno aan is waafaqsaneyn oo kasoo wada baxaaya xafiisyadii dowladda.

Mararka qaar oo hal wasaarad ay ka soo baxaayaan wareegtooyin is burrinaaya.

Madaxweynaha wax kale Allaa qabee shacabka ka qancin la`, halaaggii ka dhacay zoobe ee 400 iyo dheeraad biri mageydaa lagu xasuuqay, waxa laga yeelaayo hey’adihii Amniga ku shaqada lahaa ee howshoodii gabay, iyo tallaabooyinka dowladdu ka qaadeyso falkaas arxan darradaA.

Hey`adihii Amniga ee Miisaaniyadda qaranka xisaabtii ugu badneed laga siiyey oo dayacay ilaalinta badbaadada shacabka canshuurta la baxay.

Madaxweynihii dalka oo karti iyo maara u la` inuu hoggaamiyayaasha maamuul goboleedyada soo fadhiisiyo miiska wadahadalka, kuna qanciyo iney kaalintooda ku ekaadaan xukuumadda dhexena kaalinteeda ku ekaato oo shaqadeeda u dhaafaan, xukuumadduna faragelinta burburinta iyo dib u dhaca ah ka dhaafto.

Haddaba ma xukuumaddaan run noo sheegin markii lasoo doortay, mise si kalaa wax u khaldameen?.

1- Markii hore;- Daah furnaan ayaan ku shaqeyneynaa.
* Haatan;- daaha gadaashiisa shaqadu ha nooga socoto.

2- Markii hore;- Waxaan la dagaallameynaa musuqmaasuqa, Sharafta, Karaamada iyo Qaranimadda Somalia waa soo celinaynaa

* Haatan:- Jagadaani waa meerto ee intaad joogto ka tacbo, inta sax iyo qaladba kugu taageersan uga tacab, Sharaf, Karaamo iyo Qaranimo maxaa iga galay.

3- Markii hore;- Waxaan dhiseynaa Ciidamadda Xooga Dalka, waxaana la dagaallameynaa Alshabaab.
* Haatan;- Shacabkow Alshabaab iska dhiciya, Dhismaha Ciidanka wuxuu Saxiixay qorshaha “National Security architecture” iyo Shirkii ka danbeeyey ee London oo guddiga Amaanka Qaranka oo ay wada yihiin Madaxweynaha DF iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedyadda wada dhisayaan Ciidamadda Xooga, xiriirka Dawladda Federaalka iyo Dawlad goboleedyadda uu yahay heerkii ugu xumaa, hal waxna ku heshiin karin.

4- Markii hore- waxaan soo dhoweyneynaa Aqoonyahanada, waxgaradka iyo siyaasiyiinta, si aan aqoontooda iyo waaya araggooda uga faa`iideyno dalka.
* Haatan;- Annaga tiimkeenna ayaa idiin soo aragnay meel barwaaqaa oo idiin geyneyna, cid kale uma baahnidin shacabkoow.

Haddii aan lsku soo xooriyo su,aalahaan ayaa isweydiin mudan:-

▪Xukuumaddaani dalka iyo dadka ma u daneyneysaa mise waa ka daneysaneysaa?
▪Dadka ma mideyneysaa mise waa kala direysaa?.
▪Ma heshiisiineysaa mise waa kala dileysaa?
▪Ma Cadowgey ka difaaceysaa mise waa u jebineysaa?
▪Ma nabadgelyadey sugeysaa mise amni-darradey qeyb ka tahay?

Haddaba akhristow, weli ma isweyddiisey Xukuumaddaan dadkii ay hoggaanka u noqon laheyd cadowsaneysa, iney nageynayso meel barwaaqaa, oo buura dhaadheer, oo webi baal maraayo, oo ay noo soo arkeen?
ALLOW SAHAL AMMUURAHA.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Oct 21 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented