allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo War murtiyeed kulul soo saaray (Akhriso)

War murtiyeedka oo ka koobnaa 8 qodob ayaa ugu horeyn looga tacsiyadeeyay umadda Soomaaliyed qaraxii ay dadka badan ku dhinteen 14-kii bishan, sidoo kale waxaa mahad celin loogu jeediyay umadda Soomaaliyeed, hey’adaha iyo dalalka ka qeyb qaatay gurmadka qaran ee loo fidinayo dadka ku waxyeeloobay qaraxaas.

Sidoo kale War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda ay ka mashquulsan tahay arrimihii Amniga, isla markaana ay xoogga saareyso siyaasado dadka iyo dalka sii kala fogeynayo.

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa walaac ka muujiyay in qorshaha Xukuumadda dhexe ay miisaaniyadii amniga iyo tii dowlad goboleedyada loogu tala galay maamul goboleedyada ugu leexisay arrimo siyaasadeed.

War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in hanaanka federaalka Soomaaliya ay soo wajahday qatar dhab ah oo keeni karta degenaansho la’aan siyaasadeed.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Oct 21 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented