allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo Guddi Cusub oo Taakuleyn Magacaabay [Akhriso Magacyada]

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi cusub oo la magac baxay Guddiga Taakuleynta iyo Tabarrucaada Qaranka.
Guddigan ayaa laga soo xulay ururrada bulshada iyo shaqsiyaad hormuud u ahaa NGO-yada iyo culimo, kuwaasoo qaabilsan ururinta lacagaha loogu deeqayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Muqdisho.
Xubnaha Guddiga waxa ay kala yihiin:

1. Cabdullaahi Maxamed Shirwac, Guddoomiye
2. Maxamed Yuusuf (Tigey), Guddoomiye Ku Xigeen
3. Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, Xubin
4. Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Xubin
5. Caasho Shaacuur Ugaas, Xubin

6. Aamina Xaaji Cilmi, Xubin
7. Sheekh Cabduqaadir Sh Maxamed (Soomoow), Xubin
8. Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis), Xubin
9. Sheekh Yuusuf Cali Caynte, Xubin
10. Khadar Ismaaciil, Xubin
11. Sucdi Daahir Diiriye, Xoghaynta Guddiga

Magacaabidda guddigan ayaa imaanaya kadib Guddi kale oo uu madax u ahaa Wasiirka Amniga xukuumadda oo howha gurmadka ku jiray, kadibna lagu wareejiyay Wasaaradda maareynta Masiibooyinka.

Xubnaha Guddigan cusub ku jira qaarkood ayaa ka mida guddiyo kale, halka qaar kale ay xilal waaweyn hayaan ama ilaa saddex guddi ku jiraan.

Guddiyada faraha badan ee arrintan loo magacaabayo iyadoo wasaaradii xukuumadda u qaabilsaneyd arrintan ay jirto ayaa su’aal kale ku keeneysa sida loogu kalsoonaan karo hay’adda xukuumadda Soomaaliya.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Oct 19 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented