allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Wasiirkii Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga oo is casilay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho  ayaa sheegaya inuu xilkii iska caslay wasiirkii Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed.

Arrintan oo laga sheegay shirkii Golaha Wasiirada ee maanta oo hadda uun soo dhammaaday ayaa lagu micneeyay inuu wasiirku isu casilay arrimo shaqsi ah oo aan la faahfaahin, isagoo is casilaadiisa u gudbiyay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa maanta Kulankii Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya geeyey Waraaq Istiqaalo ah oo Xilka isaga Casilayo, Isagoo Golaha ka codsaday in ay ka aqbalaan Iscasilaada uu dalbaday, waxaana Golaha uu ka aqbalay is-casilaada uu sameeyey Wasiir Cabdi rashiid Cabdullahi.

Is-casilaada Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ka dambeysay iyadoo uu isla maanta is casilayTaliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen. Jimcaale Cirfiid.

Sida ay sheegayaan wararka Golaha Wasiirada ayaa magacaabay Jen. Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod oo loo magacaabay xilka Taliyaha Ciidamada xoogga dalka.

Taliyaha cusub ee loo magacaabay xilka ayaa ahaa Col. Pilot ah, xilligii dowladdii Siyaad Barre, sidoo kale waxaa uu Wasiirka Dekedaha ka noqday dowladdii TNG-da ee uu hoggaaminayay C/qaasim Salaad Xasan

Wararka ayaa intaa ku daraya in muddooyinkan la hadal hayay is casilaada Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen, Cirfiid oo xilkan loo magacaabay bishii April ee sanadkan.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Oct 12 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented