allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

SHAQAALAHA DOWLADDA SOOMAALIYA RAYID IYO CIIDAN Midna ma helin wax Mushaar ah 3 dii bilood aynu soo dhaafay, Maxaa sabab y ah ,

Sida ay sheegayan wararka aynu ka helayno Magaalada Muqdisho Shaqaalaha Dowladda federaalka ah, Ciidan iyo rayidba midna ma uusam helin wax mushaar ah labadii bilood aynu soo dhaafnay.
Ciidamada Militariga iyo Booliiska waxaa ay sheegeen in 3 bil aaney qaadan mushaar, qaarkoodna 2 bil, Macalimiinta Jaamacadda umadda oo shaqo-joojin sameeyay todobaadkan waxaa ay ku doodeen in 5 bil aaney arag mushaar!

Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa bilawgii hore ku bilawday qaab aad loo soo dhaweeyay kadib markii ay si joogta ah u bixinaysay mushaarka shaqaalaha hase yeeshe markii uu dalka galay qalalaaso siyaasadeed oo ay is qabsadeen Xukuumadda iyo Maamul Goboleedyada ayaa waxaa la xaqiijiyay in inta badan qarashka dowladda loo adeegsaday arrimo siyaasadeed.

Xildhibaan kale oo golaha shacabka ka tirsan waxaa uu isna sheegayaa in hadda 2 bil aaney qaadan mushaar, sidoo kale uu dowladda ka sugayo mushaarka 6 bil oo sanadkii hore ah, Xildhibaankan waxaa uu ku jiraa weli baarlamaankan 10aad laakin waxaa jira Xildhibaanno aan soo noqon balse ka tirsanaa baarlamaankii 9aad, kuwaas oo iyaguna sheegay in dowladda weli ka heysato mushaarka 6 bil.

Iska daa ciidanka iyo shaqaalaha rayidka ah, dowladda federaalka ah waxaa ay u baahan-tahay 6 Milyan oo Dollar si ay u bixiso mushaarka 275 Xildhibaan oo dowladda ku leh mushaarka 8 bil!

Waxaa xusid mudan in shaqaalaha cusub ee dowladda federaalka ah qaadatay wixii ka dambeeyay doorashada madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo aaney weli aysan qaadan wax mushaar ah.

Dowladda federaalka ah ayaa ku adkaaday bixinta mushaaraadka shaqaalaha rayidka iyo ciidanka labadii bil ee la soo dhaafay, Waxaa kale oo xaqiiq ah in odoros qaldan lagu meel-mariyay Miisaaniyadda 2017-ka.

Iyada oo ay taasi jirto ayuu ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre 8-dii bishan ballan-qaaday in December 31-keeda wixii ka horeeya ay xukuumaddiisa bixin-doonto dhammaan mushaaraadka lagu leeyahay dowladda.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya waxaa shacabka u sheegay in iska daa mushaare uu xitaa bixin-doono lacagta ay xafiisyada dowladda ku shaqeeyaan “Sanadka 2017 bisha December 31 haddii uu ilaahey idmo waxaan ku soo dhameystiri doonaa halkaana waan ka sheegayaa, haddii aad dowladda aad u shaqeyso, inaad mushaarkaagii heshay Janaayo –December. Haddii aad ka shaqeyso xafiis dowladeedna aad heli-doonto lacagta xafiiskaada u ku socdo, oo aad xaqa u leedahay, waxaan ku darayaa in maamulka ani iyo madaxweyne Farmaajo aan mas’uulka ka nahay in aanu 2017 in qarash deyn ah uusan dalka Soomaaliya u keeni doonin”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu horay ugu cel-celiyay in xooggiisa isugu geyn-doono bixin mushaaraadka guud ahaan, gaar ahaan Mushaarka ciidanka tiiyoo lagu guul-dareystay bilihii ugu dambeysay.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Oct 11 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented