allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

MAAMUL GOBOLEEDYADA KISMAAYO KU SHIRSAN oo maanta soo saari doonaan War Saxaafadeed

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in shirkii Wadatashiga ee u dhaxeeyay Madaxda maamul goboleedyada in xalay la soo gaba gabeeyay, iyadoo maanta lagu wado in la soo saaro war murtiyeed.
Sida ay sheegayaan wararka Madaxda ka qeyb galeysay shirka ayaa ku heshiiyay qodobo dhowr ah, halka kuwo kalena ay isku afgarteen.

Wararka ayaa  sheegaya in doodihii dhex maray Madaxda maamul goboleedyada uu ka mid ahaa in xiriirka loo jaro dowladda Federaalka, hase ahaatee la isku afgaran waayay.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa si wadajir ah isugu raacay qodobo ka mid ah siyaasada dalka, sida in laga wadatashado arrimaha masiiriga ah, in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada iska kaashadaan amniga, la dagaalanka Al-Shabaab iyo kuwa kale.

Sidoo kale Maamul goboleedyada ayaa la sheegay inay isku raaceen in la soo celiyo Madashii Wadatashiga Qaran ee horay u jiray dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

Walaac badan ayaa laga qabaa qodobada qaar ee shirka, oo aan wali si dhab ah loo ogeyn, waxaana jira shaki ku aadan in xaalada siyaasadeed ee dalka uga sii daro, iyadoo Madaxtooyada ay si dhow ula socoto shirka Kismaayo.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Oct 11 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented