allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

ISMA HAYSTAN FEDERAALKA IYO MAAMUL GOBOLEEDYADA, WAXAA IS HAYSTA DOWLADDA DHEXE IYO IMAARAADKA

Ka hor inta aysan wadamada Khaliijka xiriirka u jarin Dowladda Qadar wax khilaaf ah kama dhaxeynin Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka, mana jirin wax kheyraad ah oo labada dhinac isku haystay ama Siyaasadda arrimaha dibadda.

Hase yeeshe in Maamul Goboleedyada weerar ku qaadan Dowladda dhexe waxaa ka dambeeyay markii imaaraadka loogu yeeray Madaxweynayaasha Maamuladaas lagana dhaadhiciyay inay ka hor yimaadan go’aankii dhexdhaxaadnimada dowladda soomaaliya ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka.

Dhibaato dhaqaale oo Imaaraadka Carabta ka yimid ayaa sabab u ah go’aanada siyaasadeed ee ay gaaran Maamul Goboleedyada kana hor yimaadan Dowladda Federaalka.

Waxaa la isku haysta ma aha Qodobka 53 aad ee dastuurka ee waxaa la isku haysta ayaa ah qodobka 54 aad oo si cad u qeexaya Siyaasadda arrimaha dibadda, difaaca iyo lacagta inay leedahay dowladda dhexe.

Afgambi Siyaasadeed oo laga soo abaabulay Abuu Dubai ayaa kagu bartimaameedsaday Dowladda Federaalka, Madaxda Maamul Goboleedyadana kama turjumayan dano Soomaaliyed iyo dano degaan oo ay leeyihiin waxay ka turjumayan danaha Imaaraadka Carabta.

Dowladda Soomaaliya ma awoodo inay la dagaalanto dhaqaalaha Imaaraadka Carabta, mana bixin karaan lacagta Imaaraadka siinayan Maamul Goboleedyada lacag u dhiganto sidaas darteed Xalka Siyaasadeed waxaa uu ku jiraa inuu is faham dhex maro Dowladda Federaalka iyo Imaaraadka Carabta.

Imaaraadka Carabta waxay hadda qalqa geliyan jiritaanka Dowladda Soomaaliya iyo rajadii laga qabay in dowladda horumar ku tallaabsato.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Oct 11 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented