allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

FARAGELIN KA TIMID VILLA SOOMAALIYA oo saameyn ku yeeshay Guddigii loo xilsaaray arrintii Qalbi Dhagax, Jilacsanaanta jawaari oo Baarlamaanka ka dhigay mid u afduuban Xukuumadda iyo Madaxtooyada

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Guddigii loo xil saaray kiiskii C/kariin Qalbi Dhagax oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Jabhadda ONLF oo bishii Augusto ay dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya uusan hal maalin xataa kulmin iyadoo maanta oo 10 Octobar tahay waqtigii kama dambeyska ahaa eee guddigaas laga sugayay in ay baaritaankooda u gudbiyaan Guddoomiyaha Golaha shacabka.
Ilo ka tirsan Xafiiska Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda iyo Villa Soomaaliya saameyn ay ku leeyihiin arrinta guddigan maadama xildhibaanada guddigan ka tirsan qaarkood ku xiran yihiin labada Xafiis Xukuumadda iyo Madaxtooyada.

Guddigan oo la magacaabay 18-kii bishii September ayaa ka kooban 15 Xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka, waxaana Guddoonka uu u xil saaray inay baaritaan ku soo sameeyaan kiiskiisa iyo qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay 6-dii bishii Septembern.

Jilacsanaanta Guddoonka Baarlamaanka iyo isku kalsooni la;aanta Afhayeenka Baarlamaanka ayaa sabab u ah in Xukuumadda iyo Villa Soomaaliya saameyn ku yeeshan aqalka Baarlamaanka.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa sheegay in faragelin Xukuumadda iyo Madaxweyne Farmaajo ka timid sabab u tahay dib u dhac warbixintan iyo caajiska ka muuqda guddiga oo ah mid aan lagu kalsoonaan karin maadaama Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ku lug leeyihiin.

Guddoonka Golaha shacabka ayaa horay ugu dalbaday Guddigan in kama dambeyn ay warbixintooda baaritaanka u soo gudbiyaan Xafiiska Guddoonka 10-ka bisha October oo maanta ku beegan.

Dad badan ayaa isha ku haya warbixintan iyo sida ay noqon doono, waxaana Kiiskii Qalbi Dhagax uu ahaa mid ka mid ah kiisaskii ugu weynaa ee dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo lugaha la gasho, kaasoo la rumeysan yahay in taageero badan ku lumiyeen.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Oct 10 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented