allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

XUKUUMADDA SOOMAALIYA OO 20 kun oo Dollar ugu deeqday Guddiga taakuleynta Ciidamada, Sawirada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalayka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay wixii u qabsoomay Guddiga Taakuleynta Ciidanka qalabka sida, ee dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha.

Guddiga ayaa sheegay inay diyaariyeen dariiq ay Shacabka Soomaaliyeed ku soo gaarsiin karaan kaalmada ay ugu tala galeen in lagu caawiyo ciidankooda.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xusay muhiimadda ay Ciidamadu u leeyihiin dal kasta iyo sida Soomaaliya ay maanta ugu baahan tahay soo celinta karaamadii ay lahaayeen ciidankeenu.

Waxaa uu baaq ku aaddan inay ciidamadooda taageeraan u diray bulshada Soomaaliyeed, ay garab istaagaan hawlaha lagu horumarinayo dhismaha dawladnimada.

Sidoo kale Khayre ayaa balan qaaday in Xukuumaddu ay 20 kun dollar siin doonto gudiga taakuleynta Ciidamada si loo dar-dargeliyo hawlaha gudiga.

Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dawladda, maamulka gobolka Banaadir, saraakiil iyo siyaasiyiin.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Oct 9 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented