allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

DUQA MUQDISHO TAABID OO KA BEEN SHEEGAY MASHRUUCA SHAQO ABUURISTA 1000 DHALINYARADA GOBOLKA BANAADIR (XAQIIQDA)

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xaqiiqda jirta ka been sheegay isagoo sumcad ka dhiganaya shaqo abuuris Bankiga adduunka u sameynayo 1000 dhalinyaro muddo 3 bilood ah ayaa Gobolka Banaadir waxaa uu qorshahaas ka dhig mid isaga leeyahay oo isaga bixinaya qarashaadka 1000 dhalinyaro,Ujeedada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxay ahayd sumcad kaga kasbo dadka soomaaliyed, laakiim xaqiiqda sidaas ma aha.
Mashruucan shaqaaleynta dhalinyarada ayaa waxaa la siiyay Dowladdii hore ee Xasan Sheekh Maxamud Madaxweynaha ka ahaa hase yeeshe Maamulkii Gobolka Banaadir waqtigaas jiray ayaa soo gudbin waayay qorshe howleedkiisa la xiriira mashruuca Bankiga adduunka sidoo kalena Maamulkaas ayaa ku mashquulay doorashooyinkii aqalka sare,aqalka hoose iyo mida Madaxweynaha oo waqtigaas lagu mashquulsanaa.

Hadaba Maamulkan cusub ee Gobolka Banaadir uu Guddoomiyaha ka yahay Taabid Cabdi Maxamed ayaa markii uu xafiiska la wareegay helay docomenta Mashruuca bankiga adduunka ee shaqaaleysiinta dhalinyarada muddo 3 bilood ah.

Isagoo sumcad ka raadinaya qorshahaas ayuu sheegay in Gobolka Banaadir ku guuleystay inuu shaqaaleysiiyo 1000 dhalinyaro ah laakiin ma uusan sheegin halka uu ka yimid mashruucan.

1000 dhalinyarada ah ayaa waxay ka shaqeyn doonaan nadaafada iyo waraabinta darjiinada waxaana la siin doona 50 Dollar oo maalintii ah, waxayna shaqada socon doonta 3 bil.

Sidaad ka war haysaan magaalooyin ay ka mid tahay Boosaaso iyo Garoowe ayaa mashruucan laga waday maalmihii aynu soo dhaafnay.

Gobolka Banaadir ayaa ku fashilmay 3 dii bilood aynu soo dhaafnay inuu mushaar siiyo mshaqaalihiisa rasmiga ah, iyadoo dhaqaalaha Gobolka Banaadir uu gacantiisa ku maamulayo Guddoomiyaha Gobolka Taabid Cabdi Maxamed, waxaana la sheegay in dhaqaalahaas lagu bixiyo Siyaasiyiin iyo shaqsiyaad Hotelada Muqdisho u jiifaan Villa Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa dhaqan iyo nolol maalmeed ka ah in Siyaasiyiinta si cad dadweynaha hortooda iyagoo taagan uga been sheegan waxqabadkooda, mana jirto cid kula xisaabtanto dhacdooyinka noocaas ah oo adduunka xilalka lagu waayo.

Mashruucan 3 bilood ku ek ayaa la sheegay inuu halis dhinac amaanka ah uu leeyahay waayo ayaa la yiri cid damaanad qaadi karta amaanka dhalinyaradaas ma jirto maadama kooxaha shabaab iyo kuwa kale aan la aqoonin bartimaameedsada dadka dowladda u shaqeeya waxaa qasab ah in dhalinyaradaas halkaas halis uga imaan doonto 3 biloodna noloshooda ma kaafiso kuna noolaan karaan inta dowladda ku wareegsan tahay oo nolosheeda qaali yahay halka degaanada kale ee dowladda aan ku xoog badnayn noloshooda raqiis tahay gaar ahaan kirada guriyaha iyo nolosha kale.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Oct 9 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented